Madaxweyne Qoorqoor oo soo gaaray Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Wafdiga Madaxweynaha oo ka tagay Magaalada Dhuusamareeb ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa Sabtida Magaalada Muqdisho kaga qaybgelaya Shirka Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran, oo looga hadlayo u diyaargarowga Doorashooyinka Golaha Shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka iyo raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka.

Shirkan oo uu shir guddoomin doono Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa ka qaybgelaya Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com