Ra’iisal Wasaare Rooble oo dib ugu laabtay Muqdisho (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa gelinkii dambe ee maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, ka dib booqasho saddex cisho qaadatay, oo Isniintii uu ku tagay dalka Masar.

Ra’iisal Wasaare Rooble iyo wafdigiisa ka soo laabtay dalkaasi Masar ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu sheegay in booqashada Ra’iisal Wasaaraha ee dalkaasi diiradda lagu saaray xoojinta iyo iskaashiga xiriirka labada dal, kordhinta deeqaha waxbarashada ay Masar siiso ardayda Soomaaliyeed, fududeynta socdaalka, ganacsiga iyo maalgashiga.

“Booqashada Ra’iisal Wasaaraha ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Somaliya iyo Masar, kordhinta deeqaha waxbarashada Masar siiso ardayda Soomaaliyeed, fududeynta socdaalka, ganacsiga iyo maalgashiga. Booqashada Ra’iisal Wasaaraha ayaa si guul ah ku soo dhamaatay.” Ayaa lagu yiri warka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com