Wasiir Beyle “Turkigu abaal weyn buu ku leeyahay Somaliya” + SAWIRRO

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Maaliyadda Somaliya ayaa sheegay in Turkiga uu abaal weyn ku leeyahay dadka Soomaaliyeed, xilli maanta Magaalada Muqdisho laga xusay toban sano guurada ka soo wareegatay dib-u-nooleynta xiriirka diblomaasiyadeed ee Somaliya iyo Turkiga.

Wasiir Beyle oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka qaybgashay munaasabadaasi oo lagu qabtay Xerada Ciidanka Cirka ee Afisyooni ayaa taageerada Turkiga ee Somaliya ku macneeyay mid hagar la’aaneed.

“Turkigu abaalka uu nagu leeyahay ma’aha mid lagu soo koobi karo xaflad iyo wax la mid ah. 10 sano ka hor waxa uu adduunka tusiyay in Somaliya ay tahay meel aan laga quusan, sidoo kale waxa uu inoo sahlay wadiiqooyin aan adduunka kale ku gaari karno.” Ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasiirka ayaa yiri “Waxa aan aad iyo aad uga mahadcelinayaa taageerada aan kala go’a laheyn ee uu Turkigu la garab taagan yahay dalkeena iyo dadkeena.”

Turkiga waa saaxiibka ugu weyn ee maanta Somaliya leedahay, iyadoona Dowladda Federaalka uu ka taageero kaabayaasha dhaqaalaha, xoojinta dowladnimada, dib-u-dhiska dalka iyo weliba tayaynta ciidamada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com