Weerar isqarxin oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Weerar ismiidaamin ahaa ayaa xilligii Maqribka ee caawa ka dhacay Isgoyska Jubba ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Nin xirnaa jaakadda ka sameysan walxaha qarxa ayaa beegsaday oo isku qarxiyay maqaaxi ku taala Isgoyska Jubba, gaar ahaan meel ku dhow kontoroolka laga galo Xarunta Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA).

Qaraxa ka dib ayaa waxaa goobtaasi laga maqlay rasaas xoogan, oo ay fureen Ciidamada Dowladda, iyadoona maqaaxida la beegsaday ay fariisan jireen Ciidamada Dowladda, qaarkood.

Goobjooge ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay isku gadaameen maqaaxidii uu qaraxu ka dhacay, ka hor intii aanay halkaasi gaarin shaqaalaha caafimaadka iyo gaadiidka gurmadka deg-degga.

Inta laga warqabo saddex qof, oo laba ka mida ay Ciidamada Dowladda yihiin ayaa ku dhimatay qaraxaasi, halka tiro kalena ay ku dhaawacantay.

Saraakiisha laamaha ammaanka iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaan weli ka hadlin qaraxan ugu dambeeyay ee ka dhacay Caasimadda Muqdisho.

Bishii hore ee July 2-deedii ayay ahayd markii nin uu isku qarxiyay maqaaxi kale oo ku taala Isgoyska Jubba, ayna ku dhinteen 10 qof oo rayid u badan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com