Beledweyne oo lagu qabtay shir amniga looga hadlayay (SAWIRRO)

Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa shir guddoomiyay shirka looga hadlayay amniga Hirshabelle.

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa warbixin ka dhageystay Saraakiisha hay’adaha amniga, iyagoona si gaar ahi uga warbixiyay xaaladda amni ee Magaalada Beledweyne

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa laamaha ammaanka faray xaqiijinta amniga Magaalooyinka Beledweyne iyo Jowhar, oo lagu wado inay dhawaan ka dhacaan Doorashooyinka Xildhibaanada Hirshabelle ku metelaya Baarlamaanka Federaalka.

Hirshabelle ayaa caqabad dhanka amniga ah kala kulmaysa jabhadda uu hoggaamiyo General Abuukar Xaaji Warsame (Xuud), oo dhowr jeer weeraro ka gaystay Beledweyne.

General Xuud oo horey uga tirsanaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ka horyimid hannaankii loo maray doorashadii 11-kii bishii November ee sanadkii hore ka dhacday Magaalada Jowhar, laguna soo doortay Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com