Burcad caawa lagu soo bandhigay Degmada Heliwaa (SAWIRRO)

Maamulka Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir ayaa caawa degmadaasi ku soo bandhigay laba nin oo dhallinyaro ah, oo sida ay sheegeen dhac u gaysanayay dadka deegaanka.

Labadan nin ayaa lagu soo qabtay hawlgal ay Ciidamada Booliska ka sameeyeen degmadaasi, iyadoona ay dadka ku baarayeen bastooladda ay carruurtu ku ciyaaraan iyo toorey.

“Waxaan hadda gacanta ku soo dhignay burcad bastoolado fake ah iyo toorey dadka ku dhacayay.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Heliwaa, Mire Salaad Dhuxulow.

Gudoomiyaha ayaa yiri “Waxaa inaga go’an in aan u soo jeedno ilaalinta hantida reer Heliwaa, waxaan u mahadcelinayaa Ciidamada Booliska iyo Gudoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda Degmada Heliwaa.”

Magaalooyinka dalka waxaa qaarkood xilliyada habeenkii dadka ku baarta kooxaha burcadda.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com