Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in caweyskii caawa magaaladaasi lagu weeraray tiro madaafiic ah.
Madaafiicda oo u muuqday kuwo magaalada bannaankeeda laga soo tuuraayay ayaa baqdin ku dhaliyay dadka deegaanka.
Wararka ayaa sheegaya in inta badan madaafiicda loo ganay dhanka Garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Nuur, halkaasoo ay fariisin ku leeyihiin Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in madaafiicda ka dib ay rasaas xoogan ka dhacday aagga garoonkaasi, isla-markaana ay rasaastu u muuqatay mid ay labada dhinac isweydaarsanayeen.
Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in xaaladda magaalada ay iminka u muuqato mid degan.
Ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, mana jirto wax wara oo ka soo baxay Saraakiisha laamaha amniga.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com