Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka furmay Muqdisho (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka furay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Shirka oo ka socdo Xerada Afisyooni ayaa waxaa ka qaybgelaya Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa looga hadlayaa dardargelinta howlaha doorashooyinka, diyaarinta habraacyada doorashada Golaha Shacabka, raadinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka ee aan weli soo xeroonin iyo sidii horey loogu wadi lahaa doorashooyinka dalka ka bilowday.

Afhayeenka Xukuumadda, Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in shirka uu maalmaha soo socdo ka sii socon doono Caasimadda Muqdisho, maantana ay madaxdu ka wadahadleen ajandaha shirka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com