Golaha Wadatashiga Qaran oo soo saaray habraacyada doorashooyinka

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ayaa soo saaray habraacyada doorashooyinka dalka ee dhinacyada amniga, maaliyadda, xulista ergooyinka, qoondada haweenka iyo habraaca Senatorada Aqalka sare ee Somaliland.

Madaxda oo shalay uu shir uga furmay Magaalada Muqdisho ayaa soo saaray habraacyada kala ah:-

Habraaca Dhiirigalinta Daahfurnaanta Doorashada

Habraaca Maamulka Maaliyadda Doorashada
Habraaca Xulista Ergada Doorashada
Habraaca Amniga Doorashada

Habraaca ilaalinta Qoondada Haweenka
Habraaca doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Somaliland
Hawlaha Lataliyayaasha Farsamo ee Golaha Wadatashiga Qaran.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com