Xaaladda Magaalada Beledweyne oo caawa kacsan

Xaalad kacsanaan ah ayaa caawa ka jirta Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, ka dib markii ciidan gadoodsan ay la wareegeen qaybo ka mida magaaladaasi.

Ciidamadan oo ka tirsan Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa bilaa dagaal kula wareegay Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Xerada Lama Galaay.

Ciidamadan oo la magac-baxay Badbaadada Gobolka Hiiraan ayaa waxaa horkacaya Abaanduulihii hore Guutada 5aad ee Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Cabdullaahi Barre Cilmi.

Korneyl Cabdullaahi Barre Cilmi oo Warbaahinta kula hadlay Xarunta Gobolka ayaa sheegay in si nabadgelyo ah ay kula wareegeen xaruntaasi.

Waxaa uu sheegay inay ka soo horjeedaan in si khasab ah lagu jujuubo dadka reer Hiiraan, laguna dirqiyo wax aysan doonayn.

“Waxaan go’aansanay inaan naftayna, maalkayna iyo dhiigayna u hurno badbaadada Gobolka Hiiraan.” Ayuu yiri Korneyl Cabdullaahi Barre.

Korneyl Cabdullaahi Barre ayaa yiri “Waxaan ka codsanayaa Dowladda Federaalka inay si deg-deg ah u soo fara-geliso arrinta dhibaatada ah ee shacabka reer Hiiraan lagu hayo.”

Waxa kaloo uu yiri “Anaga dowlad ma weerarin, dowladdii ayaa nahay, laakiin waxaan ka dhiidhinay dhibaatada halkaan ka jirto.”

Xaaladda caawa ka taagan Magaalada Beledweyne ayaa la rumeysan yahay inay timid, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) uu berrito ku wajahan yahay magaaladaasi.

Tan iyo markii Cali Guudlaawe uu noqday Madaxweynaha Hirshabelle, reer Beledweyne waxay ka soo horjeedeen in Magaalada Beledweyne uu soo booqdo, sababtuna tahay iyagoo markii horeba qaadacay hannaankii loo maray dhismaha maamulka uu Madaxweynuhu ka yahay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com