Dhinacyada isku haya Beledweyne oo looga digay gacan ka hadal

Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan ayaa Magaalada Beledweyne ka bilaabay dadaalo ay kaga hortaggayaan in dagaal uu magaaladaasi ku dhex Maamulka Hirshabelle iyo dhinacyada kale ee ka soo horjeeda.

Qaybo ka mida magaalada waxaa xalay la wareegay ciidan militari ah, oo sida ay sheegeen ka soo horjeeda caburinta lagu hayo dadka reer Hiiraan.

Odayaasha ayaa labada dhinacba ku wargeliyay inaanan loo baahnayn dagaal uu dhiig ku daato oo ka dhaca magaaladaasi.

Dhanka kale odayaal kale oo taageersan ciidamada la wareegay Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa dadka reer Beledweyne ugu baaqay inay nabadgelyada ka wada shaqeeyaan.

“Waxaan baaq u jeedineynaa reer Beledweyne, haddii la dagaalo, dagaalka waxa ku dhimanaya waa ayaga, horta amnigayna iyo nabadgelyadayna inaan sugano oo gacanta ku hayno weeye. Naftayna, maalkayna iyo qadiyadayna ciddii noogu timaadana jawaabta ay mudan tahay aan siino, waa inaan marka hore isla qaadanaa.” Ayuu yiri Nabadoon Faarax Raage oo u hadlay odayaashaasi.

Nabadoon Faarax Raage ayaa Siyaasiyiinta reer Hiiraan, balse ka tirsan Maamulka Hirshabelle ku eedeeyay inay ka masuul yihiin xaaladda ka taagan magaalada.

“Waddada ay ku socdaan ayaa na anfici weyday, walaalihiina soo raaca, la’idinma diidana ayaan leenahay, laakiin go’aanka aad qaadateen maaha kii saxda ahaa.” Ayuu yiri nabadoonku.

Xiisadan ayaa ka dambeysay, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) uu ku soo wajahan yahay Magaalada Beledweyne.

Dhowr goor oo hore waxaa Beledweyne ka dhacay bannaanbaxyo iyo iska horimaadyo looga soo horjeeday imaanshaha Madaxweynaha.

Odayaasha iyo Waxgaradka Gobolka Hiiraan qaarkood ayaa horaan ka soo horjeestay dhabihii loo maray dhismaha maamulka uu Madaxweynaha ka yahay Cali Guudlaawe, waana taa midda soo celcelisay xiisadda Beledweyne.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com