Farmaajo oo daahfuray munaasabadda Hirgelinta Guddiga 4aad ee Af Somaliga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qaybgalay munaasabadda lagu howlgelinayo Guddiga 4aad ee Af Somaliga ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay turxaan bixinta, ilaalinta iyo horumarinta afka & dhaqanka Soomaaliyeed, maadaama ay udub dhexaad u yihiin midnimada iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo dul istaagay halgankii dheeraa ee loo soo maray qaabeynta iyo qoridda Af Somaliga ayaa ka warbixiyay tallaabooyin hortebinta leh, ee ay dowladdu u qaadday dhanka horumarinta afka, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.

“Ummadda Soomaaliyeed waxa ay ku suntan yihiin dad ku adag afka iyo dhaqankooda, halka dalal badan oo dunidii la gumeystay ka mid ah laga bedeley afkoodii iyo dhaqankoodii. Afku waa dhaxalka ugu qiimaha badan, ee ay jiilal isu gudbiyaan, waana ammaano ay tahay inaan ilaalinno oo horumarinno.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xusay in hirgelinta farta Somaliga lagu bixiyay dadaal, maskax iyo maal badan, waxa uuna kula dardaarmay Guddiga Af Somaliga in ay sii ambaqaadaan dadaalladaas, hormuudna ugu noqdaan ummadda Soomaaliyeed horumarinta iyo adeegsiga Af Somaliga.

“Dowladdu waxay dadaal badan ku bixisay sidii loo horumarin lahaa afka, dhaqanka iyo suugaanta. Taas oo aannu ka soo bilowney inaannu dib usoo celinno goobihii lagaga shaqayn lahaa hirgelinta iyo horumarintooda, oo Tiyaatarka aynu maanta joogno ka mid yahay, Madxafkii Qaranka oo aanu isna dib u dhisnay.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Munaasabadda oo ku qabsoomtay Tiyaatarka Qaranka ayaa waxaa ka qaybgalay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee Xukuumadda, Xildhibaano, Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Banaadir, Basma Caamir Axmed, Gudoomiyaha Akademiyad Goboleedka Afka Somaliga, Maxamed Daahir Afrax, Gudoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta, Cabdqaadir Nuur Xuseen (Maax), xubnaha Guddiga Afraad ee Af Somaliga, Maareeyaha Golaha Murtida iyo Madadaalada Qaranka, Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Yuusuf iyo marti sharaf kale.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com