Kulanka Midowga Musharaxiinta iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada (SAWIRRO)

Madaxweyne-yaasha Dowlad Goboleedyada Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa gelinkii dambe ee maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Xubnaha Midowga Musharaxiinta, qaarkood.

Kulanka ayaa yimid, saacado ka dib markii Midowga Musharaxiinta ay ka soo horjeesteen habraacyadii shalay laga soo saaray shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu soo geba-gabeeyay Caasimadda Muqdisho.

Midowga Musharaxiinta ayaa si adag uga soo horjeestay qodobada la xiriira Odayaasha Dhaqanka, magacaabidda Bulshada Rayidka, xulista & xaqiijinta, dabagalka iyo diiwaangelinta ergada.

Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay in habraacyadan ay awood dheeri ah siinayaan Dowlad Goboleedyada.

Wararka ayaa sheegaya in Midowga Musharaxiinta ay Madaxweyne-yaasha Dowlad Goboleedyada la wadaageen walaacooda ku aaddan bedelka lagu sameeyay 135-kii oday ee soo xulayay ergada soo dooranaysa Xildhibaanada.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya Midowga Musharaxiinta inay Madaxda Dowlad Goboleedyada hordhigeen in dib loogu noqdo qaabkii hore ee wax lagu soo dooran jiray, si doorashada u noqoto mid loo dhanyahay.

Arrinta soo xulista ergada ayaa lagu macneeyay qodob kale oo dood hor leh ka dhex dhalin doono dhinacyada siyaasadda ee dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com