Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa caawa casho sharaf u sameeyay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyne-yaasha Puntland, Hirshabelle, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.
Sidoo kale kulanka cashada ayaa lagu soo martiqaaday Madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisal Wasaarihii hore Xukuumadda, Xasan Cali Khayre iyo xubno kale oo ka tirsan Midowga Musharaxiinta.
Kulanka ayaa u muuqday mid ay dhinacyada isaga wareysanayeen walaaca ay Midowga Musharaxiinta ka muujiyeen habraacyadii shalay laga soo saaray shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu soo geba-gabeeyay Magaalada Muqdisho.













Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com