General Odawaa oo la kulmay Taliyaha Ciidamada Itoobiya

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa Magaalada Addis Ababa kula kulmay Taliyaha Ciidamada Itoobiya, General Berhanu Jula.

Qoraal lagu daabacay barta Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ee Twitter-ka ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay dardargelinta iskaashiga dhinaca amniga ee labada dal.

“Labada Taliye ayaa ka wadahadlay, sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinaca amniga ee labada dal.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Kulankan ayaa ku soo aadaya, xilli Ciidamada Federaalka Itoobiya ay dagaal kula jiraan jabhadda Gobolka Tigrayga ee TPLF.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com