Maamulka Jaamacadda Baay ee Magaalada Baydhabo ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyay Wariye Maxamed Deeq Serjito, oo ka mid ah Wariye-yaasha ka hawlgala magaaladaasi.
Maamulka Jaamacadda ayaa Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed, Ilyaas Cali Nuur u wakiishay inuu shahaadadaasi guddoonsiiyo Wariyaha.
Wariyaha ayaa shahaadadan ku muteystay doorkiisa samafalka iyo ka shaqaynta arrimaha bulshada, taasoo uu Wasiirku ku ammaanay, ayna tahay sida uu yiri in lagu daydo.
Wariye Serjito oo ka hawlgala Warbaahinta gudaha ayaa sanadihii ugu dambeeyay ka shaqeynayay, sidii uu bannaanka u keeni lahaa codka kuwa aan hadli karin, iyadoona dhowr goor arrimahaasi loogu xiray Magaalada Baydhabo.
Serjito ayaa noqonaya Wariyihii ugu horeeyay ee fadhigiisu yahay Baydhabo ee shahaado sharaf ku muteysta arrimaha bulshada iyo samafalka, waxaana shahaadadan la guddoonsiiyay, xilli Isniintii shalay ay Xarunta Jaamacadda Baay ka socotay xaflad qalin-jebin ah.



Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com