Bannaanbax ka dhan ah Shabaab oo ka dhacay Gaalkacyo (SAWIRRO)

Bannaanbaxan oo uu soo qaban-qaabiyay Maamulka Degmada Gaalkacyo ee Galmudug ayaa ahaa mid looga soo horjeeday dhibaatada maleeshiyada Al Shabaab ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, laguna taageerayay hawlgalka Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Galmudug ka wadaan Gobolka Mudug.

Bannaanbaxa ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiiro ka tirsan Galmudug, Maamulka Degmada, Odayaasha Dhaqanka, waxgaradka, dhalinyarada iyo haweenka deegaanka.

Masuuliyiinta Degmada ayaa Shabaabka ku eedeeyay in waxa ay wadaan uu yahay diin kabax, isla-markaana ay laayeen dadkii indhaha u ahaa ummadda Soomaaliyeed.

Hoggaanka bulshada ayaa taageeray gulufka Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Galmudug ka wadaan Gobolka Mudug, ee lagula dagaalamayo maleeshiyada Al Shabaab.

Bannaanbaxan ayaa ku soo aadaya, xilli Talaadadii shalay dagaal culus uu Ciidamada Huwanta iyo maleeshiyada Al Shabaab ku dhex maray deegaanka Cammaara ee gobolkaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com