Beesha Caalamka ayaa caawa sheegtay inay soo dhaweynayso shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee 21-22 bishan ka qabsoomay Magaalada Muqdisho.
Saaxiibada caalamka ee Somaliya ayaa Golaha Wadashiga Qaran ugu baaqay inay wax ka qabtaan walaaca laga keenay hannaanka doorashada ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya, si loo taageero hannaan doorasho oo daahfuran, loona dhanyahay.
Sidoo kale saaxiibada caalamka ayaa ku baaqay in doorasho muddeysan oo lagu kalsoonaan karo in loo qabto Golaha Shacabka.

“Saaxiibada caalamka waxay Golaha Wadatashiga Qaran iyo saamileyda siyaasadda la wadaagayaan inay rumeysan yihiin in hufnaanta hannaanka doorashadu ay muhiim u tahay xasilloonida Somaliya, waxaan sidaasi darteed ku dhiirigelinaynaa inay qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka, si loo xaqiijiyo in hannaanka doorashada lagu dhameystiro, si lagu kalsoonaan karo, daahfuran oo waqtigii loogu talagalay ku dhacdo.”
Warka Beesha Caalamka ayaa waxaa ku saxiixnaa Belgium, Canada, Shiinaha, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub, Qaramada Midoobey, Mareykanka, Urur Goboleedka IGAD, AMISOM, Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta, Holland, Sweden, Switzerland, Uganda, Boqortooyada Midowday (UK), Mareykanka, Jarmalka iyo Finland.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com