Dad badan oo mar kale dalka ugu geeriyooday COVID-19

Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka laga diiwaangeliyay, sideed iyo afartankii saac ee la soo dhaafay.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa caawa sheegtay in xanuunka COVID-19 laga baaray 2,425 qof, dalka oo dhan, lagana helay 124 qof.

Warbixinta Wasaaradda ayaa lagu sheegay in 54 kiis laga diiwaangeliyay Puntland, 50 kiis Gobolka Banaadir, 14 kiis Somaliland, 5 kiis Galmudug iyo 1 kiis oo Koonfur Galbeed laga diiwaangeliyay.

Sida ku cad warbixinta, dadka xanuunka laga helay 64 ka mid ah waa rag, iyadoo 60 kalena ay haween yihiin, halka 71 ruux-na ay xanuunka ka bogsadeen.

Wasaaradda ayaa sheegtay in sideed iyo afartankii saac ee ugu dambeysay, ay dalka xanuunka ugu geeriyoodeen 11 qof, taasoo wadarta guud ee dhimashada dalka laga diiwaangeliyay ka dhigeysa 938 qof.

Dalka ayaa wajahaya mowjadda 3aad ee COVID-19, xilli inta badan bulshada aanay kuba baraarugsanayn soo laba kacleynta xanuunka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com