Gobolka Galgaduud oo lagu xukumay nin kufsi u gaystay gabar 6 sano jira

Maxkamadda Gobolka Galgaduud ayaa maanta soo geba-gabeysay fadhiyo dhowra, oo ay ka yeelatay nin lagu soo eedeeyay fal afduub iyo kufsiba isugu jira inuu u gaystay gabar 6 sano jir ah.

Maxamed Cabdi Dhoore ayaa qirtay in 19-kii bishan uu Farxiya Cali Maxamed ka afduubtay deegaanka Godinlabe, isla-markaana uu kufsaday.

Cabdixakiin Maxamed Xirsi, Xeer Ilaaliye Kuxigeenka Galmudug ayaa maxkamadda u soo bandhigay qiraal laga qoray eedeysanaha iyo caddeymo kale oo muujinaya dhibkii soo gaaray gabadha dhibanaha ah.

Gudoomiyaha Maxkaamdda, Axmed Salaad Kullane ayaa eedeysanaha ku xukumay shan sano oo xarig ah iyo bixinta laba halaad, oo maxkamaddu sheegtay inay noqonayaan magta gabadha.

Deegaanada Soomaalida waxaa in muddo ahba ku soo badanayay falalka kufsiga.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com