Madaxweyne Qoorqoor oo Muqdisho kula kulmay Magatte Guisse

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa gelinkii dambe ee maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka UNHCR ee Somaliya, Magatte Guisse.

Labada dhinac ayaa ka wadahadlay xoojinta wadashaqaynta hay’adda & Galmudug iyo sidii UNHCR xafiis uga furan laheyd Magaalada Dhuusamareeb.

“Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wadashaqaynta UNHRC iyo Dowladda Galmudug iyo sidii loo dardargelin lahaa xafiiska hay’adda ay dhawaan ku yeelan doonto Caasimadda Dhusamareeb.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com