Taliska Ciidamada oo sheegay in 80 Shabaab lagu dilay Gobolka Mudug

Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliya ayaa shaaca ka qaaday in weerar dhinaca cirka oo ka dhacay deegaanka Cammaara ee Gobolka Mudug lagu dilay in ka badan 80 ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab.

Cammaara waxaa shalay ka dhacay dagaal culus, ka dib markii maleeshiyada Al Shabaab ay dhowr jiho ka weerareen fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Galmudug ay ku leeyihiin deegaankaasi.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay in ciidamadu ay jab xoogan gaarsiiyeen maleeshiyada Al Shabaab.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle ayaa isna sheegay in Shabaabkii weerarka soo qaaday laga dhigay wax dagaalka lagu dilo iyo in kaloo firxata.

Cammaara waxay ka mid tahay deegaanada dhaca Koonfur Gobolka Mudug ee toddobaadyo ka hor laga saaray maleeshiyada Shabaabka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com