Madaxda Dowlad Goboleedyada oo ku kulmay Chelsea Village (SAWIRRO)

Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa xalay Chelsea Village ee Magaalada Muqdisho kaga qaybgalay kulan casho ahaa, oo uu u sameeyay Wasiirkii hore ee Amniga Somaliya, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale).

Bulshada qaybteeda ayaan wax badan ka garanayn Chelsea Village, balse waa goob deegaan oo u diyaarsan in martida lagu qaabilo, waxayna leedahay hoteel la seexdo iyo maqaaxi laga cunteeyo.

Chelsea Village ayaa ka dhex dhisan Xerada Xalane oo dacalka ku hayso Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, waana goob aanay Soomaalida badankeed galaangal u lahayn. Shaqaalaha ka shaqeeya iyo ciidanka amnigeeda qaabilsanba waa ajnabi.

Kulanka cashada ayaa waxaa kaloo ka qaybgalay Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre, Xildhibaano iyo marti sharaf kale.

“Waxaan Chelsea Village, Magaalada Muqdisho casho sharaf ugu sameeyay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Ra’iisal Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, Xildhibaano, masuuliyiinta la socda Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo marti sharaf kale.” Ayuu yiri Ex Wasiir Islow oo qoraalkan soo dhigay bartiisa Facebook.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com