AMISOM oo dardargelinaysa hawlgalada dalka

Taliyeyaasha Militariga ee Hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya ayaa isku raacay in la dardargeliyo hawlgalada wadajirka ah, ee ay la wadaagaan Ciidanka Xoogga Dalka.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay lulan laba maalmood ka socday Magaalada Muqdisho, kaas oo la xiriiray xoojinta amniga doorashada iyo u diyaargarowga hawlgalka AMISOM ee sanadkan.

Kulankaasi waxaa muddadii uu socday Taliye-yaashu ay ku qiimeeyeen horumarka illaa hadda laga gaaray, Fikirka laga qabo Hawlgallada AMISOM, Qorshaha Kala-guurka iyo hirgelinta Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee 2568 (2021).

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com