Gabdhaha Booliska Haramcad oo tababar loo soo xiray (SAWIRRO)

Dufcaddii ugu horeysay ee gabdhaha booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa tababar uu heerkiisu sarreeyo ku dhameystay dalka Turkiga.

Gabdhahan oo 49 askari ka kooban ayaa 12-kii bishii July ka ambabaxay Magaalada Muqdisho, si ay tababar dheeri ah ugu soo qaataan dalkaasi Turkiga.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo booqasho ku joogga dalkaasi ayaa maanta tababarka u soo xiray dufcadda 1aad ee hablaha Haramcad.

“Waxaan maanta dalka Turkiga tababar ugu soo xirnay dufcaddii 1aad oo ah gabdho ka tirsan Ciidanka Booliiska gaarka ah ee Haramcad, kuwaas oo tababar heerkiisu sarreeyo ku qaatay dalkan Turkiga, oo ah saaxiib weyn oo naga caawiya dib-u-dhiska iyo tayaynta Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.” Ayuu yiri General Xijaar oo warkan ku sheegay bartiisa Twitter-ka.

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Somaliya, Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa isna yiri “Waxaan hambalyo u dirayaa dufcadda 1aad ee gabdhaha Soomaaliyeed ee dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga ku dhameystay tababar heerkiisu sarreeyo ee Ciidanka Booliiska gaarka u tababaran ee Haramcad, iyaga oo ku biiraya dedaalada loogu jiro dhismaha iyo tayaynta Booliska Soomaaliyeed.”

Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad oo la aasaasay daba-yaaqadii sanadkii 2018 ayuu Turkigu ku tababaray saldhigiisa Turksom ee Magaalada Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com