Hawlgalkii deg-degga ahaa ee lagu daad-gureynayay dadka reer Afghanistan ee ka baxaya Garoonka Diyaaradaha Kabul ayaa geba-gabo ku dhow, xilli laga baqdin qabo inay halkaasi ka dhici karaan weeraro hor leh.
Saraakiisha Ciidamada Ingiriiska ayaa sheegay in hawlgalka daad-gureynta ay soo geba-gabayn doonaan gelinka dambe ee maanta.

Talyaaniga duulimaadkiisii ugu dambeeyay ayaa gaaray Magaalada Roma, taasoo ka dhigan inay dhankooda hawlgalkii daad-gureynta ka soo geba-gabeeyeen.
Xukuumadda Washington ayaa sii wadi doonto hawlgalka lagu samata-bixinayo dadka rayidka, muddada ka harsan waqtigii lagu ballamay oo ku beegan 31-ka bishan.
Khamiistii waxaa afaafka hore ee Garoonka Kabul ka dhacay weerar ismiidaamin iyo rasaasba isugu jirta, oo lagu dilay 170 qof.
Daacishta Khorasan ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaasi.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com