Mareykanka oo duqayn la beegsaday ISIS-ta Afghanistan

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday inay weerar dhanka cirka ah ka fulisay bariga Afghanistan oo ay ku beegsatay  koox xiriir la leh ISIS, maalin kadib weerar ka dhacay banaanka garoonka diyaaradaha Kabul oo lagu dilay ugu yaraan 170 qof, oo askari oo Mareykanka u dhasha ay ku jiraan.

Sida ay qortay Wakaaladda Wararka Reuters, diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah ayaa ka duushay saldhig aan la magacaabin oo ku yaal Bariga Dhexe, waxayna la sheegayaa in ay u dhacday sidii loo qorsheegay.

Weerarka khamiistii ka dhacay Afghanistan ayaa waxaa sheegatay ISIS, laanteed Afghanistan.

Warkaan ayaa imaanaya iyadoo ciidamada Mareykanka ee caawinaya daadgureynta Afghanistan oo doonaya inay ka baxsadaan Taliska Taliban ay soo saareen digniin sabtidii ku aaddaneyd weeraro ka dhici kara garoonka diyaaradaha Kabul.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com