Somaliland oo laga dareemay mowjadda 3aad ee fayriska Corona

Deegaanada Somaliland ayaa laga dareemay inay kordheen kiisaska maalinlaha xanuunsidaha COVID-19 ee laga diiwaangeliyo deegaanadaasi.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland, Cumar Cali Cabdullaahi ayaa sheegy in bartamihii bishii hore ee July ay dareemeen in xaaladuhu ku soo badanayaan deegaanada Somaliland.

“Xaaladda Coronaha ee Somaliland waxaa muuqata inuu sare u kac sameynayo. Billihii March iyo April ee sanadkan ayuu aad iyo aad dadka u waxyeelay xanuunka oo xaalado badan ay soo baxeen, dad-na ay u dhinteen, laakiin billihii ka dambeeyay ee May iyo June wax kiisas ah ma jirin, bishii July dhexdeeda ayaa waxaa la dareemay in xanuunkii uu soo bilaabanayo.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa yiri “Maalmahaan u dambeysay waxaan dareemeynaa in xaaladuhu marka baaritaanka la sameeyo boqolkiiba saddex illaa afar uu kor u soo kacaayo.”

Cumar Cali Cabdullaahi, Wasiirka Caafimaadka Somaliland ayaa xusay inuu jiro bilowga mowjadda 3aad ee xanuunka safmarka ah ee COVID-19.

“Koley waxaan aaminsanahay in mowjaddii 3aad bilowgeedii uu jiro, marka halkaas ayay xaaladdu mareysaa.” Ayuu yiri Wasiirku.

Dowladda Federaalka Somaliya ayaa horey ugu dhawaaqday in dalka uu wajahayo mowjadda 3aad ee COVID-19.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com