Cayaartoyda Hayland oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Cayaartooyda kubada cagta ee ka timid Hayland ee maamul goboleedka Puntland  ayaa waxaa garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho ku Soo dhaweyay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka, masuuliyiin ka socotay qaar ka mid ah hay’addaha Dowladda Soomaaliya, Maamulka Gobalka Banaadir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmooyinka Gobalka Banaadir.

Gudoomiye Kuxigeenka Dhinaca Amniga Gobolka Banaadir, Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo ka hadlay soo dhoweynta ayaa sheegay inuu rajeynayo in ay cayaartooydu la cayaaraan degmooyinka gobalka Banaadir.

Wasiirka Warfaafinta Somaliya, Cismaan Abokor Dubbe oo ka mid ahaa Wasiiradii soo dhoweysay ayaa sheegay in cayaaruhu yihiin caafimaad iyo is dhexgal bulsho Xukuumadduna ay dhiirigelineyso dhalinyarada Soomaaliyeed ee cayaaryahanada ah.

Cayaartooyda ayaa ka kooban 30 iyo dhowr ruux oo ku matalayay Gobolka Hayland, kuwaasoo dhowaan ku guuleystay Tartanka Koobka Kubadda Cagta iyagoo ka guuleystay Gobalka Nugaal.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com