Galmudug oo gaadiid dagaal kula wareegtay Magaalada Gaalkacyo (SAWIRRO)

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland, Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa Axaddii Wasiirka Amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ku wareejiyay toban gaari, oo isugu jira sideed gaari oo Cabdi Bille ah, booyad iyo ambulance.

Gudoomiyaha ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga Gobolka Mudug, oo ay ka qaybgaleen Wasiirka Amniga Galmudug, Taliyihii hore ee Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, General Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon), Taliyeyaasha Qaybaha Booliska Gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug, Taliyaha Hawlgalinta Ciidanka PMPF, Gudoomiyeyaasha Degmada Galkacyo ee Galmudug & Puntland iyo masuuliyiin kale.

Gudoomiye Sanyare ayaa geba-gabadii kulankaasi gaadiidka ku wareejiyay Wasiir Fiqi, wuxuuna sheegay in ay gaadiidkan ugu talagaleen inay qayb ka noqdaan hawlgalka Koonfurta Gobolka Mudug.

“Maanta waa maalin taariikhiya, waxaan halkan ku wareejin 10 gaari oo isugu jira 8 gaari oo nooca dagaalka ah, qoryahooduna saaranyihiin, booyad iyo gaariga gurmadka caafimaadka, oo aan ugu talagalnay in qayb ka noqdaan dagaalka lagula jiro argagixisada Al Shabaab ee deegaanada Koonfurta Mudug looga xoreynayo, Insha’Allah waana ka guuleysan doonnaa. Gurmadka Puntland intaa kuma eka, wuuna socon doonnaa.” Ayuu yiri Gudoomiyuhu.

Wasiirka Amniga Galmudug oo ka mahadceliyay taageerada Puntland ayaa sidoo kale sheegay in gaadiidkan ay qayb ka noqon doonaan gulufka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in labada maamul iyo shacabkooduba ay u midoobeen dagaalka lagula jiro sida uu yiri argagixisada.

“Waxay labada maamul iyo shacabkooduba ee Puntland iyo Galmudug ay u midoobeen dagaalka lagula jiro argagixisada iyo in dhiigga la isku darsado, iyadoo lagu saleynayo wadahadalkii todobaadkii tagay ay Magaalada Muqdisho ku yeesheen labada hoggaamiye ee Galmudug iyo Puntland.” Ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama ayaa muddooyinkii ugu dambeysay hujuum ku hayay Galmudug.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com