Madaxweyne Guudlaawe oo ka baaqsaday socdaalkiisii Beledweyne

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo labadii toddobaad ee ugu dambeysay ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa Axaddii shalay dib ugu laabtay Magaalada Jowhar.

Madaxweynaha ayaa haatan ka baaqsaday safar la qorsheynayay in uu ku taggo Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, ka dib markii ay arrintaasi xiisad ka abuurtay magaaladaasi.

Wasiiro, Xildhibaano iyo Siyaasiin ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa Beledweyne ka waday abaabul ay ku qaban-qaabinayeen soo dhaweynta Madaxweynaha, taasoo dhabaha u xaartay in Guutada 5aad ee Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ay la wareegto Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan, si ay ugu muujiyaan, sida ay kaga soo horjeedaan imaanshaha Madaxweynaha, sababtuna tahay Maamulka Hirshabelle oo caburin ku hayo dadka deegaanka, sida ay ku doodeen Saraakiishii hoggaamineysay ciidamadaasi.

Odayaasha Dhaqanka ayaa shalay sheegay inay ku guuleysteen inay kala qaadaan ciidamadii isku horfadhiyay Magaalada Beledweyne, iyagoona sheegay in loo baahan yahay in la furo wadahadalo ay garwadeen ka tahay Dowladda Federaalka, bacdamaa ay dadka reer Hiiraan is hayaan Maamulka Hirshabelle.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Hirshabelle ayaa Universaltv u sheegay in Madaxweynuhu uu iminka baajiyay socdaalkii uu ku taggi lahaa Beledweyne.

Dhowr goor oo hore waxaa Beledweyne ka dhacay bannaanbaxyo iyo iska horimaadyo looga soo horjeeday imaanshaha Madaxweynaha.

Odayaasha iyo Waxgaradka Gobolka Hiiraan qaarkood ayaa horaan ka soo horjeestay dhabihii loo maray dhismaha maamulka uu Madaxweynaha ka yahay Cali Guudlaawe, waana taa midda soo celcelisay xiisadda Beledweyne.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com