Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay sawirqaade ka tirsan Daacish

Cabdisamad Ibraahim Cumar oo magiciisu afgarashadu yahay (Abuu Cali) ayaa loo xiray dabayaaqadii sanadkii ina dhaafay ka mid ahaanshiyaha Daacis,h oo uu ka soo tirsanaa illaa 2016.

Cabdisamad Ibraahim Cumar ayaa ku dhashay Magaalada Gaarisa ee dalka Kenya, waxa uuna go’aansaday ku biirista Daacish, isaga oo joogga Magaalada Nairobi.

Isla xilligaas ayuu ka soo degay Boosaaso oo uu kaga sii gudbay buuraha Galgala, tababarkiisii ugu horeeyay waxa uu ku qaatay meel lagu magacaabo Il iyo Camaaro, waxa uu ka mid noqday koox jabhad ah oo arbushaad ka sameyso dhulka bari ee Puntaldn, wixii intaas ka dambeeyay kooxda ayaa go’aamisay in lagu daro qaybta warbaahinta oo loo diyaariyay in uu noqdo Muuqaal Duube.

Waxa uu u sheegay hay’adaha baarista in uu ahaa muuqaal duubihii dagaal ku dhex maray Daacish iyo Al Shabaab, Muraale December 2018 iyo sidoo kale Baar-Gaalle oo isna dhacay March 2019, dagaaladaasi oo tirada la wariyay ee dhimasha iyo dhaawac ee kala gaaray kooxahaasi lagu ogaaday in ka badan 30 Maleeshiyaad ah.

28 june ayay iska soo wareejiyeen hay’adaha dembi baarista, ka dib baaritaana dheer oo ay ku sameeyeen eedeysanaha, waxa ayna xilligaasi ku wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta, si uu u mariyo habraaca dacwadda.

Xafiiska ayaa isla xilligaasi ka codsaday Garsoorka Ciidamada in xabsiga Dhexe lagu hayo Cabdisamad, Gar-suge ahaan, bartamihii July ayaa loo ballamay fadhigii ugu horeeyay eedda ka dhanka ah ninkaasi.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda la wadaagay taariikhda, sida uu ugu biiray Daacisho eedeysanaha iyo gaggii kale ee fikirkan ay ka soo wada xambaareen Nairobi, waxa ay Xeer Ilaalinta sheegtay in saaxiibadiisa ay dagaalo u aadeen Liibiya, ayna ku dhinteen halka labo kale oo isna ay wada joogeen ay ku dhinteen dagaal ay la galeen Ciidamada PSF-ta Puntland ee loogu talagalay la dagaalnka argagixisada, waxa ay sidoo kale Xafiiska Xeer Ilaalinta ay la wadaageen Garsoorka dhaawac muujinta eedeysanaha, oo ku dhaawacmay dagaaladii ay la galeen Ciidamada Puntland.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda ka codsaday in lagu xukumo ciqaab adag, maadaama Daacish ay eedeysanaha u soo wakiilatay qalqalgelinta amniga Muqdisho, balse ay ciidamada amniga qabteen, isaga oo ka soo degayo Garoonka Aadan Cadde.

Qareenada u doodayay eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka codsaday in loo naxariisto eedeysanaha, maadaama uu ahaa Muuqaal Duube keliya.

Fadhiya kala duwan ka dib maanta ayay Maxkamadda go’aan ka soo saartay, waxaana lagu xukumay Cabdisamad Ibraahim Cumar 10 sano oo xabsi ciidan ah, sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur (Shuute), Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta fursad uu ku dalban karo rafcaan, 30 cisho gudaheed.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com