Rooble oo kulan la qaatay Golaha Midowga Musharaxiinta (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Xubnaha Midowga Musharaxiinta, qaarkood.

Labada dhinac ayaa ka wadahadlay dardargelinta howlaha doorashooyinka, turxaan-bixinta habraacyadii doorashooyinka iyo sidii lagu guda geli lahaa Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Barlaamaanka.

Midowga Musharaxiinta ayaa Ra’iisal Wasaaraha la wadaagay talooyin ku aaddan turxaan-bixinta iyo kala caddaynta qodobada qaar ee ku xusan habraacyadii arrimaha doorashooyinka ee Golaha Wadatashiga Qaranku soo saareen 22-kii bishan.

Ra’iisal Wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta ayaa isla gartay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo bilaabista wejiga labaad ee Doorashada Golaha Shacabka, si dhowna looga wada shaqeeyo arrimaha u baahan kala caddaynta.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com