Wasiir Dubbe oo dib u dhigay kireynta maqaaxida Tiyaatarka Qaranka

Wasiirka Warfaafinta Somaliya, Cismaan Abokar Dubbe ayaa caawa sheegay inuu hakiyay kireynta iyo hawlgelinta maqaaxida Golaha Murtida & Madadaalada Qaranka (National Theatre).

Tani ayaa ka dambeysay, ka dib markii Abwaanada iyo Fannaaniinta Qaranka qaarkood ay ka soo horjeesteen tallaabada dhulka bannaanka ee Tiyaatarka Qaranka looga kireeyay Shirkadda Xaawo Taako, si ay uga hirgeliso maqaaxi.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay, isagoo gudanaya amarka Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu joojiyay dib-u-hawlgelinta maqaaxidaasi, illaa amar dambe.

Qoraal uu soo saaray Wasiir Dubbe ayaa u qornaa “Aniga oo fulinaya amarka Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxaan joojiyay dib-u-hawlgelinta maqaaxida Tiyaatarka illaa amar dambe, ka dib markii laga keenay cabasho ku aaddan dib u furisteeda.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com