Duqa Muqdisho oo furay waddo u xirnayd arrimo amni

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ugu horayn howla kormeer ah ku sameeyay dhismaha waddada dheer ee Dagmada Dayniile oo meel wanaagsan mareysa.

Dhismaha waddadan oo muhiim u ah isku socodka Caasimadda Muqdisho iyo dalxiiska deegaanka ayaa masuuliyiinta waxa ay ku sameeyeen kormeer socod ah.

Duqa Magaalada Muqdisho waxa uu sheegay in maamulkiisa uu ka go’an yahay isku tashi iyo in Caasimadda la horumariyo.

Dhanka kale Cumar Filish ayaa maanta dib u furay waddada Kulliyadda oo muddooyinkii la soo dhaafay u xirneed sababa amni.

Bulshada Gobolka Banaadir ayaa horey uga codsatay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, sidii loogu furi lahaa waddadan oo isticmaalkeeda muhiim u ah isku socodka Magaalada Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com