Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta daahfuray mashruuca hannaanka adeeg daadejinta Hirshabelle.
Munaabadda lagu daahfuraayay mashruucaan ayaa waxaa ka qaybgalay Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle, Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed, Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka, Siraaji Sheikh Isxaaq, Wasiiro, Xildhibaano Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe iyo qaybaha Kala duwan ee bulshada.
Mashruucaan ayaa ah hannaan lagu bixiyo maalgelinta dhaqaale ee u dhaxeeya heerarka kala duwan ee dowladda iyo mashruuca JPLG/UNICEF, iyadoo ujeedadu tahay in la taageero Dowladaha Hoose, si ay u fuliyaan adeegyada asaasiga ee sharciga Dowladaha Hoose u siinaya, sida waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha.
Madaxweynaha oo munaasabada ka hadlay ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hirshabelle, ka soo dhalaalidda masuuliyadda loo igmaday, waxaana uu wasaaradaha kale kula dardaarmay dardargwlinta howlaha shaqo ee horyaala.



















Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com