Ururka 8aad ee Gorgor oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Amniga Somaliya iyo Taliye Kuxigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, oo ay wehliyaan Taliye Xigeenada Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyey ururka 8-Aad ee Kumaandooska GorGor iyo Gabdhihii ugu horeeyey ee ka mid noqonaya ciidanka  Ciidanka Booliska gaarka Haramcad oo lagu soo tababaray Dalka Turkiga.

Masuuliyiinta ayaa kula dardaarmay Ciidanka inay si hagar la’aan ah ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed,Dowladda Soomaliya ayaa horumar weyn ka samaysay dhismaha Ciidanka iyadoo dhinaca kale gobolada dalka ka wada abaabul dagaal oo dalka looga xoraynayo Argagixisadda Al-shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com