Cumar Filish oo xarigga ka jaray Telefishinka Gobolka Banaadir (SAWIRRO)

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa caawa xarigga ka jaray Telefishinka Gobolka Banaadir.

Telefishinkan oo loogu magac-daray Banaadir TV ayaa ku biiri doono telefishinada ku hadla afka Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Dhanka kale Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar ayaa lagu qabtay munaasabad lagu xusayay sanadguurada 2aad ee ka soo wareegatay, markii uu xilka qabtay Cumar Filish.

Munaasabadan ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil ciidan, Garsoorka Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay waxqabadka labadii sano ee xafiiska uu joogay Duqa Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com