Warbaahinta Dowladda ayaa caawa baahisay in Ururka Al Shabaab ay dileen Ikraan Tahliil Faarax, oo xubin ka ahayd Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA).
War ka soo baxay Hay’adda NISA oo looga hadlay geerida Ikraan Tahliil ayaan dhanka kale lagu faah faahinta goobta lagu dilay gabadhaasi iyo goortii la dilayba.
Warka ayaa u qornaa:

Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd xubin ka tirsan Hay’adda Sirdoonka & Nabadsugidda Qaranka ayaa warkeeda la waysanaa ilaa 26/6/2021.
HSNQ dabagal ay samaysay oo muddo socday kadib, ayaa lagu helay warbixin mujinaysa in ay u gacan gashay Argagixisada arxan laawayaasha ah ee Al-Shabaab, kadibna ay dileen.
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa gal-baariseedka kiiska Ikraan oo faah-faahsan ku wareejisay Hay’adaha ay khuseyso. Waxaa sidoo kale ay Hay’adda Sirdoonka Qaranku la wadaagtay warbixintan Qoyskeeda.
HSNQ ayaa uga tacsiyeynaysa qoyska, ehelada, iyo dhammaan xubnaha Hey’adda, falka foosha xun oo ay argagaxisada Alshabab ku dileen Marxuumad Shahiid Ikraan Tahliil.
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa ku daba jirta dhagar qabayaashii geystay falkaas arxan darrada ah, sharciga ayaana la hor keeni doonaa Insha Allaah.
INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com