Rooble oo kormeeray Baanka Dhexe iyo Xarunta Wasaaradda Maaliyadda (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kormeeray Xarunta Wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa u kuurgelayay howlaha shaqo ee ka socda labadan hay’adood ee muhiimka u ah Nidaamka Maaliyadda ee dalka.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay Wasiirka Maaliyadda, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Gudoomiyaha Bankiga Dhexe, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi iyo Xisaabiyaha Guud, oo warbixin ka siiyay Nidaamka Maamulka Maaliyadda ee dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com