Wasiir Fiqi oo la kulmay Taliyaha AMISOM iyo Kuxigeenkiisa

Wasiirka Amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa kula kulmay Taliyaha Ciidanka AMISOM, General Diomede Ndegeya iyo Kuxigeenkiisa General William Shume.

War ka soo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa lagu sheegay in labada dhinac ka wadahadleen arrimaha amniga Galmudug, la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab iyo amniga doorashooyinka.

“Wasiirka Amniga iyo Taliska AMISOM ayaa kulankooda iskula soo qaaday arrimo ku saabsan amniga Galmudug iyo iskaashiga suurtagalka ah ee la xiriira la dagaalanka argagixisada Shabaab, amniga doorashooyinka iyo qodobo kale.” Ayaa lagu sheegay warka.

Muddooyinkii ugu dambeysay Galmudug ayaa Koonfurta Gobolka Mudug ka waday hawlgal ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com