Shabaab oo layaabay eedeynta Hay’adda Nabad Suggida

Ikraan Tahliil oo la shaqeyneysay Hay’adda Nabad-suggida Qaranka Somaliya oo la weysanaa in ka badan labo bilood, waxaa xalay fiidkii soo baxay war sheegaya in Al Shabaab ay dileen.

Qoraal lagu baahiyay warbaahinta dowladda Soomaaliya waxay lagu sheegay in Hay’adda Sirdoonka Qaranka ay sheegtay in kaddib dabagal ay sameysay ay ogaatay in ay gacanta u gashay Alshabaab kaddibna ay dileen, iyadoo tacsi u dirtay qoyska gabadha oo baadigoobkeeda ku guda jiray.

Balse, Barta internet-ka ee Somali Memo oo baahisa wararka Al-Shabaab oo lagu tiriyo in ay taageero u tahay uruekan, ayaa qoraal la soo dhigay waxaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay iska fogeeyeen dilka Ikraan, isla markaana uusan wax shaqo ah ku lahayn.

Qoraalka waxaa lagu yiri: “Kama dambeyno waxbana kama ogin dilka gabadha lagu magacaabo Ikraan Tahliil ee u shaqeyneysay hay’adda NISA.

“La yaab ayeyna nagu noqotay in sirdoonka dowlada nagu masabido dilka gabadhaas, sida dadka Soomaaliyeed ula fajaceen warkaas ayaan anaguna la fajacnay,” sidaas waxaa sheegay masuul u hadlay Alshabaab ka soo xigatay barta Somalimemo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com