Rooble oo 48 saac u qabtay Taliyaha NISA, Fahad Yaasiin

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ka dalbaday in muddo 48 saac ah uu ku soo gudbiyo warbixin dhameystiran, oo ku aaddan kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in warbixinta NISA ka soo saartay kiiska Ikraan Tahliil ay tahay mid aan lagu qanci karin, loona baahan yahay in Taliyaha NISA uu keeno macluumaad dhameystiran.

Ikraan Tahliil Faarax oo la la’aa tan iyo 26-kii bishii June ee sanadkan ayaa warka NISA waxa uu hadalhayn badan ka dhex dhaliyay bulshada.

Fahad Yaasiin ayaa saamayn muuqato ku dhex leh Dowladda Federaalka, marka aad eegto galaangalkiisa Madaxda Dowladda Federaalka iyo ku milankiisa siyasadda dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com