Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle oo lagu dhaawacay Jowhar

Weerar loo adeegsaday bambo gacmeed ayaa xalay lagu weeraray guri ay deganaayeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshaelle, oo ku yaala Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabelle.

Rag aan heybtooda la garanayn ayaa la sheegay inay bambadaasi ku tuureen gurigaasi, ka dibna ay ka baxsadeen goobtaasi.

Inta laga warqabo weerarka bambada loo adeegsaday ayaa waxaa ku dhaawacmay saddex ka mida Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshaelle, kuwaa oo xaaladooda lagula tacaalayo Isbitaalka Jowhar.

Xildhibaanada ku dhaawacmay weerarkaasi ayaa lagu kala magacaabaa Xildhibaan Aadan Maxamed Muuse, Xildhibaan Duwane Faarax Cali iyo Xildhibaan Cismaan Cabdullaahi Dhoore.

Xildhibaan Maxamuud Wabar Xasan oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle ayaa isbitaalka ku booqday Xildhibaanadaasi, waxaana uu sheegay in xaaladda Xildhibaanada ay degan tahay, marka laga reebo nin Xildhibaan ah oo dhaawaciisu culus yahay.

Xildhibaan Wabar ayaa dhanka kale xaqiijiyay inaanay jirin cid ay ciidamada ammaanka u soo qabteen weerarkaasi.

Jowhar waxaa dhawaan lagu wadaa in lagu qabto Doorashada Senatorada Aqalka Sare iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com