Xubno ka tirsan Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka oo gaaray Jowhar

Wafdi uu hoggaaminayo Gudoomiye Kuxigeenka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaalka, Mowliid Mataan Salaad ayaa maanta gaaray Magaalada Jowhar.

Wafdiga oo ka ambabaxay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa lagu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Maxamed Dheere.

Wafdigan ayaa Magaalada Jowhar u tagay dardargelinta Doorashada Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya.

Xoghayaha Guddiga Doorashada Hirshabelle, Maxamed Xuseen Xeyte oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in maalmaha soo socda Jowhar lagu qaban doono Doorashada Senatorada HIrshabelle ku meteli doona Aqalka Sare.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com