Fahad Yaasiin oo dalab layaab leh u gudbiyay Ra’iisal Wasaare Rooble

Iyadoo Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), Fahad Yaasiin Xaaji Daahir loo qabtay in 48 saac uu ku keeno warbixin dhameystiran oo ku aaddan kiiska Ikraan Tahliil Faarax ayaa dalbaday in warbixintaasi uu u jeediyo Golaha Amniga Qaranka.

Golaha Amniga Qaranka waxaa xubno ka ah Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha, Madaxda Dowlad Goboleedyada, Taliye-yaasha Ciidamada, Wasiirada Amniga & Gaashaandhigga.

Fahad Yaasiin ayaa warqad uu u qoray Ra’iisal Wasaaraha kaga codsaday in xogta uu ku soo bandhigo shir ay u dhan yihiin Golaha Amniga Qaranka.

Qoraalka ayaa u qornaa “Anagoo fulinayna amarkaaga, maankana ku hayna xasaasiyadda kiiska Sarkaalad Ikraan Taliil oo noqotay mid heer qaran, gudanayna waajibka naga saaran amniga qaranka, fahansanna in dhacdadaan ay si toosa iyo si dadban u khuseyso xafiisyo iyo hay’ado kale duwan oo dowladda ka wada tirsan, xaqna u leh inay ogaadaan xaqiiqda dhacdadaan iyo xogta ay xambaarsan tahay warbixintaan aad naga dalbatay, ayaan waxaan si sharaf leh kaaga codsanaynaa in aan warbixintaan ka horjeedino Golaha Amniga Qaranka oo wada dhan, oo ay xubno ka yihiin hay’adaha iyo xafiisyada ay arrintan khuseyso.

Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranku waxay codsi rasmi ah u dirtay Madaxweynaha Jamhuriga Federaalka Somaliya inuu fursad noo siiyo qabsoomidda shirka Golaha Amniga Qaranka, maadama uu yahay Gudoomiyaha Golaha Amniga Qaranka iyo Taliyaha Ciidamada Qalabbka Sida.

Mudane Ra’iisal Wasaare waxaan ku kalsoonahay inaan la wadaagayno golaha warbixin buuxda oo daaha ka furaysa xaqiiqada, halkaasna lagu gaaro go’aano taabanaya dhammaan hay’adaha ay khuseyso kiiskan.”

Codsiga Fahad Yaasiin ayaa loo fasirtay mid uu kaga weecinayo go’aanka kiiskan in uu ku koobnaado Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com