Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka iyo Gudoomiye Xaashi oo heshiis wada gaaray

Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis lagu soo afjarayay khilaafka muddada dheer ka dhaxeeyay, ee ku qotomay arrimaha doorashooyinka ee dalka, gaar ahaan kuraasta Xildhibaanada Baarlamaanka ee Gobolada Waqooyi.

Heshiiskan oo garwadeen uu ka ahaa Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Dalka, Baashe Yuusuf Axmed ayay labada dhinac ku heshiiyeen illaa afar qodob, oo ku aaddan waxyaabihii markii hore ay isku diidanaayeen.

Heshiiska laga gaaray labada daraf ee u qaybsameen Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi ayaa waxaa Warbaahinta u akhriyay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare.

Qodobada ay ku heshiiyeen ayaa kala ah:-

In la soo afjaro khilaafkii labada dhinac u dhaxeeyay ee la xiriiray arrimaha doorashooyinka kuraasta Xildhibaanada Labada Aqal ee Gobolada Waqooyi

In la mideeyo Guddoonka iyo Xubnaha Guddiga Maamulka Doorashooyinka ee Somaliland, iyadoo garabka Gudoomiye Xaashi ay qaadanayaan Gudoomiye Kuxigeenka Guddiga iyo Madaxa Amniga & Logistikada

In la soo afjaro iskooxaysigii iyo abaabulkii u dhaxeeyay Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi, loona midoobo hirgelinta doorasho hufan, oo aan daahitaan lahayn.

In sida ugu dhakhso badan loo gudogalo hirgelinta doorashooyinka kuraasta Labada Aqal ee Xildhibaanada ka soo jeedo Gobolada Waqooyi.

Tallaabada lagu soo ajfaray khilaafkan ayaa ka dambeysay, ka dib markii Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi loo madaxbannaaneeyay in arrimahooda ay si hoose u dhameystaan, iyadoo uu markaasi dhexdhexaadinayo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, oo qudhiisu ka soo jeedo Somaliland.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com