Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay qoyska Ikraan Tahliil Faarax

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay qoyska Ikraan Tahliil Faarax, oo ay wehliyaan Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi iyo xubno ka tirsan ehelada Ikraan Tahliil.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa qoyska Ikraan Tahliil la wadaagay dareenkiisa iyo sida uu uga xun yahay dhibka ku dhacay gabadhaasi.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa mar kale u xaqiijiyay qoyska Ikraan, sida ay uga go’an tahay inay helaan caddaalad, uuna qaadi doono tallaabooyinka lagama maarmaanka ah, si arrintaasi loo xaqiijiyo.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa dhanka kale ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo dadka aan waxba galabsan ee loo afduubay kiiska Ikraan.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa xalay Taliyaha Hay’adda NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ka dalbaday in muddo 48 saac ah uu ku soo gudbiyo warbixin dhameystiran.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com