Rooble oo ka hadlay heshiiska Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi

Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa soo dhaweeyay heshiiska ay maanta Magaalada Muqdisho ku wada gaareen Gudoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Heshiiska oo afar qodob ka koobnaa ayaa ku qotomay Doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka ee Gobolada Waqooyi.

Qoraal uu soo saaray Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa u qornaa “Waxaan soo dhaweynayaa, isla-markaan bogaadinayaa heshiiska laga gaaray khilaafkii arrimaha doorashooyinka Gobolada Woqooyi ee Somaliland.

Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka waxaan ku ammaanayaa xil kasnimada iyo tanaasulka ay muujiyeen.

Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa cid kasta oo kaalin ka qaadatay in ay miro dhalaan dadaaladii xalka loogu raadinayay arrintan.

Waxaana rajeynayaa in heshiiska ay gaareen uu dhaqan galo, loona dhaqaaqo doorashada xubnaha Somaliland ku matalaya labada aqal ee BFS sida ugu dhaqsaha badan.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com