Jubbaland oo taageertay shaqo joojinta Taliyihii NISA, Fahad Yaasiin

Maamulka Jubbaland ayaa taageeray tallaabada uu Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble shaqada kaga joojiyay Taliyihii Hay’adda NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Jubbaland ayaa muujisay inay ku qanacsan tahay doorka xilkasnimada leh ee Ra’iisal Wasaaruhu ka qaatay, sidii looga gun gaari lahaa kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Warsaxafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu yiri “Jubbaland waxay ku qanacsan tahay tallaabooyinka uu qaaday Ra’iisul Wasaaruhu ee kaga jawaabay codsiyadii isdaba jooga ahaa ee ka imanayay qoyska, qaraabada iyo shacabweynaha Soomaaliyeed ee lagu dalbanayay, sidii ay cadaalad ku heli lahayed Sarkaalad Ikraan Tahliil.”

Akhriso: Warsaxaafadeedka Jubbaland

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com